Burburka Diyaaradii Lagu La’aa Dalka Raashiya Oo La Helay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasaaradda Gurmadka Degdega ee dalkaasi ayaa sheegtay in burburka Diyaaradaasi laga helay meel ilaa 5 KM dhanka Waqooyi kaga toosan Garoonka Diyaaradaha ee magaallada Palana ee Bariga Fog ee Raashiya.
Ma jirto cid ka badbaaday Shilkaasi, iyadoo ay 22 qof oo Rakaab ah iyo 6 Shaqaale ah la socdeen Diyaaradaasi oo noocooda ahaa ANTANAOV AN 26.
Kooxaha Gurmadka waxay sheegeen in burburka Diyaaradda daadsanaa Jamalka Xeebta iyo dhulka ee magaalladda Palana oo kaabiga ku haysa Badda OKHOTSK.
Dhinaca kale, Sanadkii 2012-kii Diyaarad Rakaab ayaa ku burburtay isla goobta ay Maanta Diyaaradda ku burburtay,  waxaana shilkaasi ku dhintay 10 qof, halka ay 4 kalena ka badbaadeen