Burcad dhac ka geeysaneysay Muqdisho oo gacanta lagu dhigay

MUQDISHO-AYAAMAHA-laamaha Amniga Xaafada Daarusalaam ee degmada Yaaqshiid Gobolka Banaadir ayaa Maanta barqadii waxaa ay gacanta ku dhigeen rag burcad ah oo dadka Shacabka ah ka dhacayay mobeelada.

Ragga Burcadda ah oo gaaraya ilaa labo ayaa watay booto Bajaaj, waxaana xilliga la qabanayay ay ku howlanaayeen dhaca Mobeelada, hayeeshee is rasaaseyn dhex-martay ciidamada amaanka mid kamid ah burcadda dhaawac uu soo gaaray sidaasna lagu qabtay labadooda.

Saraakiil katirsan laamaha Amniga degmada Yaaqshiid ayaa sheegay in dadka Shacabka ah ay kusoo wargeliyaan Ragga Burcadda ah ee dhaca geysanayay, sidaasina ay ku howlgaleen, isla markaana ay jiraan rag kale oo weli ay baadi goobayaan.

“Dadka degaanka Daarusalaam ayaa naggu soo wargeliyay dhibaatada ay ku hayaan kooxaha Burcadda ah, iyaga oo falkii dhaca ahaa ku guda jiray ayaan la kulanay waana qabanay, waxaana u gudbinay Hay’adaha kale ee Amniga ayuu yiri” Sarkaal katirsan laamaha Amniga degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa dadka Shacabka ah ee ku nool Xaafada Daarusalaam waxaa ay ka cabanayeen kooxo Burcad ah oo dhac u geysanayay, iyada oo ay jiraan degmooyin kale uu weli kajiro dhaca Mobeelada.