Burcad Hubeysan Oo Lagu Qabtay Howlgal Laga Sameeyay Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maamulka degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir iyo Ciidamo ka tirsan Booliska dowladda Federaalka ayaa waxaa ay habeenkii xalay aheyd howlgal ballaaran ka sameeyeen xaafaddo ka tirsan degmadaas.

Ciidanka ayaa waxaa ay gacanta kusoo dhigeen laba burcad ah oo dhac u geysan jiray dadka shacabka ah, xiliyada habeenkii ah, iyagoo ka qaadan jiray Moobeelada gacanta iyo agabyo kale.

Saraakiisha amniga degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in burcada lasoo qabtay uu ku jiray Nin dil ka geystay Suuq degmadaas, kuwaasi oo lagu xiray Saldhiga Booliska degmada, isla markaana tallaabo sharci ah laga qaadi doono.

Horey sidaan oo kale ciidanka Booliska degmada Kaaraan ayaa u soo qabtay burcad hubeysan oo dhac baahsan ka geysan jiray gudaha degmada, waxaana Maamulka ay sheegeen in marnaba aysan aqbali doonin in la dhibaateeyo shacabka.