Burcadda Internet-ka Oo Weerarkii Ugu Cuslaa Ku Qaaday Maraykanka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dhammaanteen waan aragnaa codsiyo noogu soo dhaca kumbuyuutarrada iyo telefoonnada oo nalooga dalbanayo in “Update ama cusbooneysiin diyaar tahay”, lana doonayo in aan ku dhufanno si uu u soo dago.

Mar walba waa nalagu dhiirrigaliyaa inaan sidaas sameyno, maadaama cusbooneysiinta ay sii xoojiso amniga qalabka internetka ee aan isticmaalno iyo waliba in fayrasyada laga hortago.

Sidaas darteed, mar ay farriin noocaasoo kale ah sannadkan gudihiisa usoo dhacday farsamayaqaannada IT-ga ee isticmaala adeegga shirkadda caanka ah ee lagu magacaabo SolarWinds, oo ah ku dhawaad 18,000 oo ka shaqeeya shirkadaha iyo xarumaha dowladda, ayey soo dajisteen iyagoo sidaas ugu wada cusbooneysiiyay qalabka xafiisyadooda.

Laakiin waxaysan ka war qabin in cusbooneysiinta ay sameeyeen uu ku dhex lifaaqnaa qalab xogtooda xadaya oo ay si qarsoodi ah ugu soo dhex dareen qolyo burcadda internet-ka ah.

Shirkadda SolarWinds lafteeda kama aysan warqabin arrintaas.

Dhowr isbuuc xilligaas ka hor ayey shirkaddaas laga leeyahay Mareykanka bartilmaameedsadeen burcadda internet-ka, waxaana u suuragashay in ay qalabkooda ku dhex daraan hannaanka cusbooneysiinta software-keeda.

Markii uu qalabka weerarka loo isticmaalayay toddobaadyo ku dhex jiray kumbuyuutarrada dadkii isticmaalayay adeegga ayaa mar qura lagu jabsaday xogta hay’adaha dowladda, kuwa tiknoolojiyadda iyo shirkadaha isgaarsiinta ee ku kala yaalla Waqooyiga Ameerika, Yurub, Aasiya iyo Bariga Dhexe.

Muddo dhowr bilood ah ayey burcadda falkaas ku kacday, oo aad loogu maleynayo in ay yihiin koox ka tirsan laanta internetka qaabilsan ee milatariga qaranka, awood u heysteen inay basaasaan xogna ka xadaa kumannaan hay’adood oo kala duwan.

Waxaa la bartilmaameedsanayay Mareykanka

Cidda ugu weyn ee weerarkan ay dhibaatada kasoo gaartay, aadna loo rumeysan yahay in ay tahay bartilmaameedka ugu muhiimsanaa ee loo socday, waa dowladda Mareykanka.

Wasaarado badan oo ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa xogtooda la jabsaday, waxaana ka mid ah wasaaradaha Maaliyadda iyo Amniga gudaha.

Dowladaha adduunka ayaa hadda dedaal ugu jira sidii ay u damin lahaayeen qalabka shirkadda SolarWinds ee ay burcadda maamulanayaan.

Cilmibaareyaal weerarkan dhinaca internet-ka ah ku magacaabay ‘Sunburst’ ayaa sheegay in ay sannado qaadan karto howsha lagu soo afjarayo weerarkaas oo ka mid ah kuwii ugu baaxadda weynaa ee dunida soo mara.

Weerarro xiriir ah

Khubaradu waxay sheegeen in qolyaha weerarkan sameeyay ay ujeeddadooda ugu weyn tahay amniga qaranka ee dalalka ay bartilmaameedsadeen.

“Dowladaha ay saameynta gaartay waxay ku tartamayaan sidii ay u sameysan lahaayeen software difaaca, sidaas darteed waxay ka maarmi doonaan weerarrada xiriirka ah ee loo geysto shirkadaha adeegyada internetka bixiya oo muddooyinkii dambe ay burcadda aad u beegsanayeen,” ayuu yidhi Jackie Singh, oo ah khabiirtii hoggaaminayay sugidda amniga dhinaca internet-ka ee ololihii doorashada Joe Biden.

“Haddiiba ay burcadda internet-ka awoodaan in ay qalabkooda ku dhex darsadaan adeegyada shirkadaha, oo waliba aan la fahmeynin, waxay marka dambe u dusi doonaan xogaha hoose ee dowladaha,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Ma jiro dalab ay shirkadaha software-ka dadweynaha ugu jeedinayaan in ay iska indho tiraan soo dajinta cusbooneysiinta. Sababtoo ah dadka uu weerarka ku dhacayo waa dhif.

Sirta dowladda oo la jabsaday

Hase yeeshee, Brian Lord, oo ah ku xigeenkii hore ee agaasimaha laanta sirdoonka dhinaca internet-ka ee UK, ayaa sheegay in “weerarkan oo ilaa hadda aan istaagin uu walaac abuurayo.”

Waxaa sidoo kale laga walwal qabaa in loo dhaco xogta hay’adda sirdoonka qaranka.

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, waxay burcadda falkan geysatay heleen xogta wasaaradda amniga gudaha ee ku saabsan ammaanka xuduudaha.

Waxay khubarada ka walwalsan yihiin in hayadaha isgaarsiinta ee dowladda Mareykanka ay gali garaan halista ay ku jiraan shirkadaha gaarka loo leeyahay.

Mr Lord, oo hadda maamula shirkad amniga internet-ka ka shaqeysa oo lagu magacaabo PGI ayaa yidhi: “Waxyeelladan waxay gaari kartaa dhaqaalaheenna qaran iyo midka shakhsi ahaaneed, in la difaacana waa muhiim.”

Ilaa hadda lama oga, waxaana laga yaabaa in aan waligeen naloo sheegin, nooca ay tahay xogta laga jabsaday dowladaha uu saameeyay weerarkan.

Weerarkii internet-ka ee ugu weynaa muddo sannado ah

Barfasoor Alan Woodward, oo cilmi baarista ka amniga internet-ka ka sameeya jaamacadda Surrey, ayaa yidhi: “Kaddib dagaalkii qaboobaa ee dunida, kani wuxuu noqon karaa weerarkii ugu weynaa ee loo geystay dowladaha reer Galbeedka, inta aan ka war qabo.”

Waxaa jiray weerarro kale oo lagu jabsaday xogta dowladaha, laakiin cilmibaareyaasha ayaa isku raacsan in kani uu ahaa weerarkii ugu weynaa ee dhaca muddo sannado badan ah gudahood.

Ruushka ayaa la eedeynayaa

Barfasoor Woodward iyo dad kale oo badan oo isaga la mid ah waxay aaminsan yihiin in falkan uu u egyahay mid ay sameysay dowladda Ruushka, inkastoo hadda aan la xaqiijin karin arrintaas, ilaa baaritaanno badan la sameeyo.

Khubaro kale oo uu weerarkan saameeyay ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay koox la yaqaanno oo ka tirsan dowladda Ruushka, oo lagu magacaabo Cosy Bear.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaase eedeymahan ku tilmaantay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.

Waxaa laga yaabaa in ay dhowr bilood qaadato inta uu Mareykanku ka jawaabayo dhacdadan, laakiin waxay u badan tahay haddiiba ay dowladda Mareykanka ogaato in Ruushka uu falkan geystay ay taasi horseedi karto cawaaqib adag.

Cadaawadda dhinaca Internet-ka oo sii xoogeysaneysa

Marina Krotofil, oo ah farsamayaqaan ka hor taga weerarrada dhinaca internet-ka, horayna ugu shaqeyn jiray shirkadda FireEye, ayaa sheegay in weerarkan uu sii xoojin karo xiisadaha u dhaxeeya Mareykanka iyo Ruushka.

“Sannadihii lasoo dhaafay, Mareykanku wuxuu cunaqabateyno xiriir ah kusoo rogay Ruushka, waxaana ka mid ah tii ugu dambeysay ee saameyneysay khubarada internetka wax ku xadda ee milatariga Ruushka. Arrintan ugu dambeysay waxay sii xoojin doontaa cadaawadda u dhaxeysa Mareykanka iyo Ruushka, mustaqbalkana waxay abuuri kartaa isku dhacyo siyaasadeed,” ayuu yidhi.

Dhanka kale, waxaa suuragal ah in Mareykanka iyo xulafadiisa ay si hoose u aar gutaan, iyagoo adeegsanaya khubaradooda internetka wax ku dhaca.

Weerarkan lagu magacaabay ‘Sunburst’ wuxuu horseedi karaa in ay isku sii xumaadaan dalalka iska soo horjeeda, ugu dambeynna wuxuu sababi karaa cawaaqib xumo aad halis u ah.

BBC