Buuq iyo Gacan ka hadal Maanta dhexmaray Golaha Wakiilada Somaliland

MUQDISHO-AYAAMAHA-Khilaaf gacan ka hadal isku badalay ayaa ka dhex qarxay xubnaha mucaaradka iyo muxaafadka ee Golaha Wakiilada Somaliland, kadib markii la isku qabtay sharciga xeerka furista ururada siyaasada.

Ilaa 45 Xildhibaan oo taageersan go’aanka Guddoonka Golaha Wakiilada ee ah in aan wax dood ah la gelin xeerkaas, sidaasina lagu meel mariyo kuwaas oo ah kuwa muxaafidka ayaa diiday inay fadhiga Golaha galaan, waxaana buuqa uu isku bedelay in laba kamid ah Golaha Wakiilada ay is feeraan.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha Wakiilada Somaliland Siciid Giire ayaa sheegay in fadhigii Maanta ee Golaha Wakiilada uu ahaa sharci darro, isla markaana xeerka siyaasadda marba hadii uu kasoo gudbay Madaxweynaha uu ansax yahay.

Shir guddoonka golaha wakiilada Somaliland ayaa laalay mooshin ay shalay soo jeediyeen xildhibaannada muxaafadka, kaasi oo ahaa in aan wax dood ah la galin xeerka furista ururada siyaasada ee madaxweynuhu kusoo celiyay golaha, isla markaana sidaa lagu meel mariyo.