Buuqa ka dhashay doorashada oo sababi karo dagaal aan la hubin dhamaadkiisa.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Buuqa ka dhashay doorashada golaha shacabka kuraasta qaar ayaa abuurtay in kulamo ka dhan ah Dawlada ay ka socdeen maalmahaan Muqdisho.

Waxaa hadda caasimadda ka taagan khilaaf siyaasadeed xooggan oo ka dhashay boobka lagu hayo kuraasta golaha shacabka, oo si musuq-maasuq xooggan ah loo maareynayo.

Sidookale Muqdisho waxaa aad looga cabsi qabaa inay gasho xaalad la mid ah bishii April 2021, markaasi oo ay ka dhaceen dagaallo looga hortagayey muddo kororsigii sharci-darrada ah ee ay sameeyeen madaxweyne Farmaajo iyo Maxmaed Mursal.

Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa bayaan ay soo saareen 30-kii November ku caddeeyey inaysan raalli aqbalayn, qaybna ka noqon doonin boobka socda ee lagu dibindaabinayo shacabka Soomaaliyeed, laguna burburinayo geeddi-socodkii nabadda iyo dhismaha dowladnimada.”

Dadka siyaasadda taxliiliya ayaa ka cabsi qaba in go’aanka mucaraadka iyo is-mari waaga taagan uu Muqdisho ku celin karo xaaladdii ay soo martay April 2021.

Doorashada golaha shacabka ayaa guux weyn ka dhashay kadib markii mucaaradku sheegeen inay tahay mid boob ah oo Nabad iyo nolol ay shakhsiyaad gaar ah kusoo saaraneyso.