C/llaahi Goodax Barre oo qarka u saraan inuu waayo kursigiisa Xildhibaanimo.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirkii hore ee waxbarashada xildhibaan Cabdulaahi Goodax Barre ayaa wajahyaa tartan adag, xili kursigii uu ku fadhiyey ay isku soo sharaxday sagaal Musharax.

Ku dhowaas 9 Musharax ayaa iska diiwaan gelisay Kursigan HOP063 oo uu ku fadhiyo, waxaa ku jira Xiirey oo ah Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir, Xildhibaan hore Ibraahim Xabeeb iyo kuwa kale.

Kursigan ayaa ka mid ah kuraasta ugu adag ee taal Beledweyn oo loolan adag uu ka jiray, waxaa uu ka mid ahaa kuraasta uu balanqaaday Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe in lagu tartamo oo aan cid gaar ah loo xirin.

Dadka Siyaasada falanqeeya ayaa waxay sheegayaan in Cabdullaahi  Goodax Barre uusan ku soo laaban doonin kursiga, maadaama ay kursigiisa isku soo baxaysteen illaa iyo 8 Musharax, kuwaas oo doonaya in isaga meesha ka saaraan.