C/Rashiid Janan oo ka hadlay wararka ka duwan wararka laga faafiyey.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Mamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) oo la heshiiyay dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay warar saacadihii la soo dhaafay Baraha Bulshada lagu faafinayay ee ahaa inay is khilaafeen Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo & Taliyaha NISA Fahad Yaasiin.

“Waxaa maqleysanaa Cabdirashiid waa Fakaday, horta aniga ma fakan weykan, xiliga uu dalka ku jiro iyo xaalada aan mareyno, aqligeeda iyo aragtideeda ma lihi shacabkii aan shalay u naxay iyo colaadii aan damiyey aan dib u soo celiyo,” ayuu yiri.

Waxaa uu sheegay in uusan aheyn qof doonaya in uu noqdo mucaarad oo dagaalama, balse sidii shalay dadkiisa uu ugu naxay uguna diday in lagu dul dagaalamo uu weli go’aankaas ku taagan ahay, isla markaana xilligaan dalka uusan u bahneyn dagaal iyo Colaad.

“Nin dagaalamaya oo mucaarid ah oo raba in uu qof mucaarido oo raba in uu dagaal galo ma ihi mana ahaan karo. Dalka doorasho ayuu ku jiraa.”

Janan oo ka hadlay munaasabad uu kusoo bandhigayay in uu yahay musharax Xildhibaan ayaa sheegay in wararka lagu faafiyay Baraha Bulshada ee ahaa in uu baxsad ka yahay dowladda aysan waxba kajirin, isla markaana  uusan diyaar u aheyn Colaad.

Waxaa uu ku amaanay ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble sida uu u wajahayo xaalada dalka, waxaana uu ku baaqay in lagala Shaqeeyo wadida howlaha doorashooyinka, taasina uu isaga bilaabi doono.

Ugu dambeyn Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Mamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) aya ka hadlay xiisada ka taagan degmada Doolow, waxaana uu sheegay in Ciidamada ku sugan degmadaas uu ku wareejiyay dowladda Soomaaliya, isla markaana aysa n aheyn Ciidamo uu isaga leeyahay.