C/raxmaan C/shakuur oo hogaaminaya Mooshinka dhaarta loogu diidan yahay MW Farmaajo

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xildhibaannada Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaalya ayaa xaadiray Xarunta Villa Hargeysa, halkaasoo goordhow uu ka furmi doono Fadhigooda caadiga ah ee Baarlamaanka, waxaana halkaas ka taagan dood ka hor furitanka.

Ajandaha kulanka maanta ayaa ah doorashada Guddoomiyaasha Guddiyada Joogtada Golaha shacabka iyo dhaarinta Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo marka la dhaariyo noqonaya Xildhibaan Abadiya ah.

Inkastoo aanu weli kulanka la furin, haddana wararka laga helayo Xarunta Villa Hargeysa ayaa sheegaya in Mooshin lagu dalbanayo in aan la dhaarin Madaxweyne hore Maxamed C/llaahi Farmaajo ay gudbiyeen Xildhibaano uu hoggaaminayo C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Xildhibaannadu waxa ay Farmaajo ku eedeeyeen inuu ku tuntay dastuurka dalka, kuna xadgudbay xuquuqaadka, karaamada bani’aadamka iyo xoriyadda ammaanka nololeed ee dadka Soomaaliyeed, waxayna Guddoomiyaha Golaha Shacabka u soo jeediyeen in la hakiyo dhaarinta Farmaajo oo ay ku tilmaameen eedeysane la xisaabtan u baahan.