Cabdi Xaashi oo laga qanciyay tabashooyinkiisii ku aaddanaa shirka

Muqdisho-(Ayaamaha)-Kulan is qancin ah oo maanka ay wada yeesheeneen Guddoomiyaha Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo qaar ka mid ah midowga murashixiinta iyo xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ayaa lagu soo gabagabeyay is afgarad.

Kulanka oo ka dhacay guriga Cabdi Xaashi ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii looga qancin lahaa tabashada uu ka qabo doorashooyinka ugana qeyb-geli lahaa xiritaanka shirka wada-tashiga ee maalmihii lasoo dhaafay ka socda Teendhada Afisyoone.

Midowga murashixiinta ee la kulmay Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa waxay ku qanciyeen inuu qeyb ka noqdo munaasabadda lagu saxiixayo heshiiska doorashooyinka 2021, si uusan u iman dib u dhac dambe.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in tabashada gaarka ah ee uu qabo Cabdi Xaashi la tix-gelin doono, isla-markaana si guud loo xallinayo.

Cabashada guddoomiyaha Aqalka Sare iyo xallinteeda ayaa waxaa soo dadajiyey, kadib markii xalay uu shaaciyay in uusan qeyb ka ahayn heshiiska doorashooyinka ee lagu gaaray Muqisho, maadaama uusan metaalaad ku laheyn shirka lagu soo xirayo Afisyooni.