MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa War kasoo saaray Go’aankii Xukuumadda ku dhawaaqday ee ahaa in la guda galayo hirgelinta doorashooyinka dalka ka dhacaya.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa waxaa uu nasiib darro ku tilmaamay Go’aankii ay qaadatay Xukuumadda, xili uu sheegay in weli aan xal buuxa laga gaarin arrinta Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee Gobolada Waqooyi.
Sidoo kale guddoomiyaha golaha aqalka sare ayaa ka digay cawaaqib xumo ka dhalan karta, haddii la qabto doorasho aan hehsiis lagu wada aheyn.
Cabdi Xaashi ayaa sidoo kale intaasi ku sii daray, haddii la qabto doorasho dalka oo dhan aan laga qabaneyn in taasi ay dhabarjab ku noqoneyso midnimada dalka.
Sidoo kale Cabdi Xaashi ayaa ayaan darro ku tilmaamay in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha diideen in laga wada-hadalo khilaafka taagan, isla markaana ay qaateen Go’aan ah in maamul Goboleedyada ka qabtaan doorasho aan heshiis lagu aheyn.
Dhinaca kale guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa u jwaabay madaxweyne Qoor Qoor, wuxuuna yiri “Anaga oo tixraqaceynoo shirkii jaraa’id oo ay shalay qabteen Ra’iisul Wasaaraha & Madaxweynaha Galmudug , waxaanu halkan ku Cadeeyneynaa in haba yaraatee aysan waxba kajirin hadalka Madaxwayne Qoor Qoor ee ah in naloo soo celiyey jawaab tanaasul ku jiro, shirkii Garoowe kadib majirto cid noola timid wax heshiis iyo wada hadal ah,”.
Warkaan kasoo baxay guddoomiyaha Aqalka sare ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ay dhankooda kasoo horjeesteen Go’aankii Xukuumadda & Saddexda Dowlad Goboleed, iyaga oo sheegay in go’aankaas oo Qatar ku yahay Midnimada Soomaaliya.