Cabdicasiis Afrika oo qorsheynayey in caafimaad dibedda ah u wado hooyadiis oo xanuunsan!

Afrika ayaa qaban jiray barnaamij lagu magacaabo Gungaar oo lagu wareysto xubnaha Al-Shabaab
Afrika ayaa qaban jiray barnaamij lagu magacaabo Gungaar oo lagu wareysto xubnaha Al-Shabaab

MUQDISHO-AYAAMAHA-Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika,  Agaasimihii Radio Muqdisho oo xalay lagu dilay qarax is-miidaamin ah ayaa qorsheynayey inuu dhowaan u baxo safar dibedda ah, si uu caafimaad iyo daweyn ugu qaado hooyadiis oo xanuunsan, sida uu sheegay Cabdiraxiim Ciise Caddow, oo ahaa agaasimaha qeybta shaqaaleynta iyo tababarada wasaaradda warfaafinta.

“Saaxibkey Afrika Maalmahaan wuxuu u diyaargaroobaaye safar, wuxuu dalbaday visa, asaga iyo hooyadiis si uu daawo ugu qaado dalka dibaddiisa, wuxuu soo goostay Tikid, wuxuuna qaatay warqaddii fasaxa safarka, wuxuu wareejiyay xilkii agaasinka Radiyaha.” ayuu yiri Cabdiraxiim.

Waxa uu intaas ku daray “Xilliga bixitaankiisa ee aan ogayn annagu waxaa ka harsanaa saacado balse safar kale ayuu aaday caawa oo dhammaan loo wada socdo. Allaha u naxariisto Allaha u danbi dhaafo. Aamiiin.”

Qaraxa ayaa waxaa fuliyey qof is-miidaamiyey, sida ay xaqiijiyeen booliska Soomaaliya.

Cabdicasiis Afrika ayaa hadda kahor dhaawac culus uu kasoo gaaray rasaas ay ku fureen ciidanka dowladda, wuxuuna caafimaad u aaday dalka Belgium oo uu muddo ku noolaa, wuxuuna Muqdisho kusoo laabtay dhowr sano kahor.

Afrika ayaa qaban jiray barnaamij lagu magacaabo Gungaar oo lagu wareysto xubnaha Al-Shabaab ee usoo goostay dhanka dowladda ama ay soo qabtaan ciidamada, kaasi oo xog badan ay ku bixin jireen.