Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka

DHUUSAMAREEB-AYAAMAHA-Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug waxaa maanta k aqabsoontay doorashada afar kursiga oo kmaid ah Golaha Shacabka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku guuleysatay kursiga tirsigiisu yahay #Hop#138 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Dhuusamareeb, isagoo helay 86 cod.

Kursigaan waxaa horay ugu fadhiyay Saciid Nuur Gariish, waxaana Maanta qorshuhu yahay in ilaa Afar Xildhibaan lagu doorto Magaalada Dhuusamareeb.

Cabdiraxmaan ayaa waxaa uu ahaa mid si weyn u mucaaraday nidaamka Farmaajo ee hada talada haaya.