Cabdiraxman Cabdishkuur oo ka hadlay xilkii maanta loo dhiibay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna xildhibaan katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay xil hadal heyn ka dhaliyey baraha bulshada oo maanta u dhiibay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Cabdiraxmaan oo sheegay in farriimo badan oo dhiiro gelin ah ay usoo direen dowlad goboleedyada, siyaasiyiin, xildhibaano iyo safiirada Beesha Caalamka ayaa sheegay inuu u mahadcelinayo dhamman inta farriinta u soo dirtay.

HOOS KA AKHRISO.

“Waxaan u mahad celinayaa dhammaan dadka farriimaha dhiirragelinta ah ii soo diray, oo ay ugu horreeyaan madaxweynayaasha Dawlad Goboleedyada Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, xildhibaannada, siyaasiyiinta, asxaabta, taageerayaasha, iyo safiirrada beesha caalamka.

Sida uu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh mas’uuliyadda uu maanta ii igmaday waa mid samafal iyo tadhawuc ah, waqti cayimana leh oo loogu badbaadinayo shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu wax yeelleeyeen.

Madaxweyne Xasan wuu ku mahadsan yahay inuu mudnaan siiyo gurmadka abaaraha, iguna aamino hawshaas culayska leh. Waxaan Ilaaheey ka baryayaa inuu iigu shafeeco niyadsamida aan mas’uuliyadda ku qaaday, oo uu hawsha ila garabgalo oo uu ka dhigo gurmadka mid lagu guulaysto oo dad badan dhibaatada ka saara.

Waxaa xusid mudan in aan nahay adeegayaal shacab, mana jirto baahi ka wayn ama mudnaan maanta ka saraysa gurmadka abaaraha.

Waxaan ka cudurdaaranayaa in aan asxaabta dhammaantood u jawaabi karin. Ducadiina iyo garab istaagiinna waa noo muhiim”.