Cabdirxmaan Cabdishakuur oo markii ugu horreysay loo gudbiyey warbixin la xiriirta xaalada abaaraha

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga Gurmadka Abaaraha ayaa waxaabay warbixjn la xiriirta abaaraha la wadaageen Guddiga Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan arrimaha bani-aadannimada iyo gurmadka abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Xubnaha Guddiga Gurmadka Abaaraha  ayaa waxaa ay ergayga gaarka ah ee arrimaha bani-aadannimada la wadaageen in ay Abaartu si ba’an u saameysay 66 degmo oo ka mid ah degmooyinka kala duwan ee uu Dalka ka kooban yahay.

Sidoo kale Guddiga ayaa gudbiyay in tirada dadka wajahaya biyo la’aanta iyo cunto yarida lagu qiyaasayo in ay gaartay 6.9 Milyan, iyadoo laga cabsi qabo in bilaha soo socda ay gaarto 8 Milyan oo u dhiganta 50% tirada guud dadka ku nool dalka.

In UN-ka iyo hay’adda kale ee gargaarka dalka ay calaamadeeyeen 7.7 Milyan dadka sanadka 2022 u baahan gargaar bani-aadannimo balse la caawinayo 5.5 Milyan oo ah kuwa nugul.

Soomaaliya meelo badan oo kamid ah weli waxaa kajirta abaar xoogan, waxaana dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ay ka gaabiyeen wax u qabashada dadka ay saameeysay Abaarta ee kunool Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.