Cabdiwali Gaas oo la saftay Agaasimaha PSF ee Saciid Deni xilka ka qaaday.

Cabdiweli Gaas
Cabdiweli Gaas

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladdii KMG ahayd ahna Madaxweynihii Hore ee Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay xiisadda ka taagan Magaalada Boosaaso xarunta Gobolka Bari ee ka dhalatay Xil ka qaadista Agaasimaha Ciidanka PSF.

Cabdiweli Gaas ayaa ka digay in dagaal uu dhexmaro Ciidamada Dowlad-Goboleedkaas, waxa uu soo jeediyay in si xasiloon lagu dhammeeyo khilaafka.

Wuxuu tilmaamay in mar ay soo martay is qabqabsi lamid ah kan ka dhex aloosan Hoggaanka PSF & Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

“Arrinta Boosaaso ka jirta waxa aan rajeynayaa in ay nidaam ku dhammaato, Puntland marweliba uu qalalaase ka bilawdo xal baa loo helaa, aniga waqtigeygii waxyaabaha nuucaas way soo mareen waxaana lagu dhammeyn jiray nabadgalyo, koley dad iiga fara dhuudhuuban ayaa gacanta ku haya” ayuu yiri Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku adkeystay in xil ka qaadista uu ku sameeyay Maxamuud Cismaan Diyaano balse Unugta gaarka u tababaran ee PSF ayaa si cad uga hor timid xil ka qaadistaas.