Cabdullaahi Faarax Wehliye oo Xildhibaan loo doortay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa ka socota doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka, waxaana goordhow la doortay kursiga labaad ee doorashada Maanta.

Doorashada kursiga HOP#007 oo uu horay ugu fadhiyay Wasiiru dowlihii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdullaahi Faarax Wehliye ayaa waxaa Maanta ku guuleystay Faarax Cabdi Diini oo ah Guddoomiye kuxigeenka howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Xildhibaan Faarax Cabdi Diini ayaa waxaa u tanaasulay Maxamed Cabdi Cali, waxaana cod gacan taag ah oo loogu codeeyay 76 oo ah dhamaan ergada goobta ku sugneyd goobta doorashada.

Goordhow ayaa waxaa la guda galay doorashada kursiga HOP#53 oo ay ku tartamayaan Cabdullaahi Aadan Kulane iyo Xasan Cabdi Jaamac, waxaana kursigaan ku fadhisay Nadiifo Faarax Jaamac.