Cabduqaadir Cosoble oo markale loo doortay kursiga Hop#140.

JOWHAR-AYAAMAHA-Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle waxaa lagu qabtay doorashada kursiga Hop#140, kaas oo uu markale ku guuleystay Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali.

Doorashada kursigaan ayaa dhowr jeer dib u dhacday kadib buuq kajiray, waxaana ku tartamay Cabduqaadir Cosoble Cali oo kursigaan ku guuleystay & Cabdi Kariin Cilmi Tifoow.

Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali oo hadlay kadib doorashadiisii ayaa sheegay in Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday shantii sano la soo dhaafay dalka dib uu u celiyay, isaga oo tusaale u soo qaatay in sanadkii 2016-kii  markii Kursigan loo dooranayay uu safar dhulka ah uu ku tegay Jowhar, xilli maqrib ahna uu kasoo laabtay.