Cabsi soo wajahday Farmaajo iyo wadooyinka soo gala Villa Somalia oo amnigooda la adkeeyay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Kadib qaraxyo isxig-xiga oo ka dhacay Muqdisho kadib markii Fahad Yaasiin uu dib ugu soo laabtay Muqdisho waxaa cabsi xoog leh ay soo food saartay madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Farmaajo.

Waxaa si weyn loo adkeeyay amaanka xarunta Madaxtooyada Soomaaliya xili uu jiro khilaaf siyaasadeed sidoo kale shalay qarax xoogan oo ismiidaamin ah uu ka dhacay koontarool laga ilaaliyo Villa Soomaaliya

Ciidamo feejigan ayaa lasoo dhigay wadooyinka soo gala xarunta Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan koontaroolada laga ilaaliyo wadooyinka gala iyo kuwa ka baxa xarunta Madaxtooyada.

Sida aan wararka ku heleyno ciidamada ayaana wadooyinka gala Villa Soomaaliya u diidaya gaadiidka ay wataan dadka caadiga iyo shaqaalaha dowlada qaarkood, waxaana wadooyinkaasi kaliya loo ogolyahay gaadiidka masuuliyiinta iyo kuwa saraakiisha wataan

Qaraxa ismiidaaminta ah ee shalay ka dhacay koontaroolka Ceelgaabta ee laga ilaaliyo Villa Soomaaliya ayaa galaaftay nolosha dad ka badan 10-qof oo u badnaa dad shacab ah, waxaana goobtaasi isku qarxiyay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaana hada u muuqda mid sii xumaanaya xili  Madaxda dalka ugu sareysa uu khilafa ka dhax jiro, waxaa sidoo kale jira khilafa u dhaxeeya Wasaarada Amniga iyo laamaha amniga ee caasimada Muqdisho.