Cabsi xoogan oo soo wajahday Soomaalida ku nool dalka jarmalka.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Soomaali ku nool dalka Jarmalka ayaa cabsi soo wajahday Kaddib markii nin Soomaali ah oo ku hubaysna toorey uu dalka Jarmalka ku dilay ugu yaraan 3 qof, dhowr kalena uu ku dhaawacay.

Soo galootiga wadankaasi ee Soomalida ay ka mid tahay ayaa dareemaya cabsi ah in si gooni ah loo bartilmaameedsado sababo la xiriira dhacdadaan.

Warbaahinta dalkaasi ayaa dhacdadaasi tan iyo markii ay dhacdey si weyn u hadal hayo, gaar ahaan wakhtigan oo la filayo in dalkaasi ay ka dhacdo doorasho marka la gaaro bisha September ee soo socoto.

Maxamed Baadil Axmed oo degan Jarmalka oo kamid ah Soomaalida ku nool dalka Jarmalka ayaa sheegay in Xisbiyada qaar ee doonaya ka qeyb galka doorashada ay yihiin kuwo ajaanib naceyb ah, isla markaana ay olole ku galayaan kasoo horjeedka dadka ajaanibta ah.

Jarmalka ayaa waxaa ku nool Soomaali farabadan oo qaxooti ah, kuwaas oo cabsi xoogan dareemaya tan iyo markii ninka Soomaaliga ah uu Saddexda Ruux uu tooreeyda ku dilay kuwo kalena uu dhaawacay.