CAJIIB:-Xasan Sheekh oo la wareegaya Villa Somalia iyo Farmaajo oo u guuraya goobihii ay degenaayeen Mucaaradka!

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu Isniinta soo socota la wareego xaafiiska Madaxweynaha ee ku yaalla Xarunta Madaxtooyada, halkaas oo isla maalintaas ay ka dhici doonto xaflad xil-wareejin ah, oo hadda qaban-qaabadeedu si weyn u socoto.

Madaxweyne Farmaajo ayaa degaya guri ku yaalla aagga Xeyndaaban ee ku yaalla agagaarka Garoonka diyaaradaha Muqdisho, halkaasoo ka mid aheyd goobihii ay degenaayeen Mucaaradka, intii uu talada hayay ay ka dhaceen shaqaaqooyin iyo weeraro lagu qaaday Mucaaradka mar ay bannaan bax dhigayeen.

Xafladda xil-wareejinta ayaa hore loo qorsheeyay in ay dhacdo maalinta Arbacada ah, oo ku beegan 30-ka May, hayeeshee, Madaxweynaha cusub ayaa amray in xafladda la soo hor mariyo, waxaana la isku raacay inuu Isniinta la wareego Villa Somalia.

Hal sano, Saddex bilood iyo 12 maalin, ayuu Farmaajo, sifo shaciga baal-marsan ku deggan yahay Madxtooyada, maadaama muddo xileedkiisii rasmiga ahaa dhamaaday, 466 maalmood ka hor, [February 8, 2021] , gabood-fallo waaweyn ayuuna magaca Madaxweynaha ku galay intii uu joogay xaafiiska ugu sarreeya dalka.

16 Febraayo 2017, Farmaajo, ayaa Xasan, kala wareegay xilka Madaxwenaha, taasoo la micno ah, in ay mar kale, xilka la kala wareegayaan, shan sano, saddex bilood iyo todobo maalin kadib, waana farriin muujineysa in Xildhibaannada Baarlamaanka 10-aad dareemeen in waddanku wali taagan yahay hakii uu joogay shan sano ka hor.