Cali Cabdullaahi Cosoble oo qorsho muhiim ah usoo jeediyey Beeshiisa kadib safarkii Guudlaawe

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynihii hore Ee Maamul gobolleedka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa wareysi uu bixiyey waxa uu kaga hadlay Safarka Cali Guudlaawe oo maanta sanad iyo bilo kadib gaaray Beled weyne.

Cosoble ayaa tilmaamay in mar hadii Guudlaawe tegay B.weyne looga fadhiyo inuu guda galo xal ka gaarista tabashada beelaha qaar ka qabeen Hirshabelle.

Madaxweyne Cosoble ayaa wax micno badan sameyn doonin ku tilmaamay in la dagaalamo iyadoo muddo kadib guudlaawe xoog ama xeelad waxay ahaataba la geeyey B/weyne.

Doorashada kuraasta ka dhaceyso Beled weyne ayuu cosoble ugu baaqay in si degganaan leh loo wajaho islamarkaana dadka deegaanka iyo madaxda hirshabelle ka heshiiyaan xurgufta qabto.

Cosoble ayaa ugu dambeyn soo jeediyey in Cali Guudlaawe la kala xaaltamo waxa laga tirsano isagoo si toos ah ula hadlay beesha uu ka dhashay xawaadle oo diidaneyd Madaxweynaha Hirshabelle ee sanadka ka badan loo diidanaa tegista B/weyne balse maanta gaaray.