Cali Guudlaawe oo aad u caraysan oo kulan deg deg ah isugu yeeray laamaha amaanka

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta gudoonshay shirka amniga Dowladda Hirshabeelle.

Kulankaan ayaa looga hadlay amniga guud ee deegaanada Hirshabeelle, xogaha dhaqdhaqaaqyada argagixsda iyo howlgalada socda ee lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah.

Madaxweynaha ayaa faray saraakiisha ciidamada in si degdeg ah looga howlagalo xureynta deegaanada gacanta cadowga ku jira oo dadkeedu ay la daalaa dhacayaan dhibaatooyin kala duwan, isagoo saraakiisha amniga u jeediyay inay ka jawaabaan xasuuqa argagixisadu ka geysteen deegaanka afar irdoodka ee Gobolka Hiiraan.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa ka tacsiyeeyay falkii foosha xumaa ee argagixisadu ku laayeen dad shacab ah kuna gubeen hantidoodii, waxaana uu ku baaqay in si wadajir ah looga qeybgalo howgallada lagu ciribtirayo argagixisada alshabaab.

Kulan deg deg ah ayaa ka dambeeyey kadib markii Al-shabaab ay 20 qof oo shacab ah ay dileen sidookale ay gubeen gawaari farabadan oo ka ymid Beledweyne oo kusii jeeday Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan. Waxaan lasoo bandhigay muuqaalo argagax leh, meydad iyo gawaari gubtay.