Cali Guudlaawe oo Degmada Matabaan ka dhagax dhigay dhismaha Garoon Diyaaradeed

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa dhagax dhigay dhismaha garoon diyaaradeed oo laga hirgalinayo Degmada Matabaan oo katirsan Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhismaha garoonkaan uu muhiim u yahay isu socodka bulshada, ganacsiga deegaankana uu horumar muuqda kusoo kordhin doono.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhamaan ganacsatada,hay’addaha iyo qeybaha kala duwan ee bulshada in loo istaago dhismaha garoonka diyaaradaha ee Degmada Matabaan.

Cali Guudlaawe ayaa shalay gaaray degmadaasi, waxaana dhaweyay qaybaha kala duwan ee Buldhada matabaan, isagoo Maamulka iyo bulshada Matabaan uga mahadceliyay soo dhoweynta balaaran ee ay u sameeyeen waxa uuna sheegay in Hirshabeelle ay ka shaqeyn doonto adeegyada horumarineed ee degmada Matabaan.