Cali Guudlaawe oo kasoo baxay balantii uu lagalay Sheekh Shariif.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Magaalada Muqdisho waxaa uu kulan kula qaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Kulanka oo ka dhacay hoyga Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed waxaa diirada lagu soo saaray Arrimaha doorashooyinka dalka.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa ku bogaadiyay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen sidii wanaagsaneyd ee uu hogaamiyay doorashadii xubnaha Aqalka sare ku matalaya Hirshabeelle, oo u dhacday si daahfuran.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda kulamo ay yeelanayaan siyaasiyiinta dalka, iyaga oo ka wada hadlaya arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Cali Guudlaawe ayaa horey balan uga qaaday Sheekh Shariif inuu la shaqeyn doono uuna soo saari doono xildhibaano iyo sanataro uu wato Shariif Sheekh Axmed oo ah Musharaxa keliya ee laysku raacsan yahay inuu hogaaminkaro dalka.