Cali Guudlaawe oo ku dhawaaqay in Golle degaan loo dhisayo degmooyinka Hir-Shabeelle

JOWHAR-AYAAMAHA-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa sheegay inay wadaan qorshooyin dhowr ah oo Golle degaan loogu dhisayo dhamaan degmooyinka Maamulka Hir-Shabeelle.

Waxaa uu sheegay in horay Golle degaan loogu dhisay degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, sidoo kale ay socdaan in Golle degaan loo dhiso degmooyinka, Jowhar, Buulo-Burde, Beledweyne iyo dhamaan degmooyinka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe Madaxweynaha Hir-Shabeelle waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Bulshada degmooyinka ay, iyagu dalbanayaan in Golle degaan loo sameeyo, isla markaana faa’iidada ay leedahay ay tahay in Bulshada ay dooranayaan qof ay kalsooni Maamul ku qabaan.

Hadalka Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa kusoo aadaya xilli weli caqabado dhowr ah oo ka imaanaya badankood Gobolka Hiiraan uu wajahayo Maamulkiisa.