Cali Guudlaawe oo maanta Dib Ugu Laabtay Magaalada Jowhar

JOWHAR-AYAAMAHA-Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa Maanta oo sabti ah dib ugu laabtay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulkaas.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa Muqdisho uga qeyb galay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee dhawaan lasoo gaba-gabeeyay ee heshiiska looga gaaray doorashada, isla markaana lagu muddeeyay doorashada Golaha Shacabka.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sidoo kale inta uu joogay Caasimadda waxaa uu kulamo kala duwan la yeeshay qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka, Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya iyo siyaasiyiin kale oo kala hadlay doorashada.

Cali Guudlaawe ayaa Maanta waxaa Garoonka diyaaradaha Magaalada Jowhar kusoo dhaweeyay Wasiiro, Xildhibaano, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo dadweyne farabadan oo lagu sii diyaariyey Garoonka.