Cali Guudlaawe oo shaaciyay dhibaato kajirto degmada Cadale

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa sheegay in degmada Cadale oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ay wajaheyso caqabado farabadan, isla markaana ay u baahan tahay in si deg deg ah wax looga qabto.

Cali Guudlaawe oo ku sugan degmada Cadale ayaa sheegay in ay kajirto bahi badan oo u baahan in la iska kaashado sida, Caafimaadka, waxbarashada, dhismaha wadooyinka & Garoon Diyaradeed.

“ Degmada Cadale waa degmo tariikhi ah hadana dhibaatooyin farabadan ayaa kajira, marka waxaa ay u baahan tahay in wax badna laga qabto oo loo ekeeysiyo degmo ay kasoo jeedaan Saddex Madaxweyne ayuu yiri” Madaxweynaha Hir-Shabeelle.

Ugu dambeyn Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa sheegay bahiyaha kajira degmada Cadale ay muhiim tahay in la xaliyo, taas oo ay ugu weyn tahay in aysan jirin wadooyin loo maro.

Hadalkan ayaa Madaxweynaha Hir-Shabeelle waxaa uu sheegay xilli Maanta degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha dhexe uu kusoo dhaweeyay Madaxweynayaashii hore ee dalka Sheekh Shariif & Xasan Sheekh Maxamuud.