Cali Guudlaawe oo wacad ku maray in Hiiraan ay ka sifeyn doonaan Al-Shabaab

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa wacad ku maray inuu ka sifeeynayo Al-shabaab deegaanada Gobolka Hiiraan asigoona haatan ku sugan Degmada Buulo-burde halkaas oo lagu dajinaayo Qorshooyin is daba yaallo oo lagu so afjarayo nabad diidka Al-shabaab.

Akhri qodobadan hoos ku qoran

1. Madaxweynaha waxuu howl geliyay dhamaan Masuuliyiinta Maamulada Degmooyinka, Xildhibaanada Wasiirada iyo Taliyaasha ciidamada qeybahooda kala duwan ee Dowladda Hirshabeelle.

2. Madaxweynaha waxuu dhaqaalle ku bixiyay dagaalada ka socdo Deegaanada Gobolka Hiiraan si loo ciribtiro nabad diidka Alshabaab asago wax garab istaag dhaqaalle ah ka helin Dowlada dhaxe iyo beesha caalamka.

3. Madaxweynaha waxuu si degdeg ah ku gaari doona jiida hore ee dagaalka asago tagi doono deeganada kala ah Coomaad Hees Teedaan iyo Degmada Maxaas oo aay ka socdaan Dagaallo lagu cirrib tiraayo haraaduga ururka Al-shabaab.

4. Waxaan xaqiijinay laba diyaaradood oo nuuca qumaatiga u kaco inay ku suganyihiin Degmada Buula-burde kuwaaso u diyaarsan inay Madaxweynaha gaarsiiyaan deegaanadaas dagaalka leeysku hor fadhiyo.

Sido kale waxaa Buula-burde ku diyaarsan 300 oo askari iyo 18 tikniko ah oo dhulka mari doono si aay usii baacsadaan haraadiga deegaanadaas ka soo cararay lagana yaabo inneey u soo farxadaan degaanadda kalle ee Dowladda Hirshabelle.