Cali Jeyte Oo $10 Kun Gudoonsiiyay Askar Dishay Laba Shabaab Ah.

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa goob fagaaraha ah oo ku taalla degmada Maxaas kula wareejiyay lacag dhan $10.000 Askar ka tirsan guutada 5-aad qeybta 27-aad oo shalay howlgal qorsheeysan oo aay ka fuliyeen degmada Moqokori ku dilay 2-xubnood oo kamid ah. Alshabaab.

gacanta loo galshay lacagtii uu horay ugu ballan qaaday guddoomiye Jeyte ciidanka dowladda iyo kuwa dib-u-xoreynta deegaanka.

Xildhibaanno baarlamaanka fedaraalka ka tirsan xildhibaanno baarlamaanka Hirshabelle kamid ah Saraakiil ciidaan maamulka degmada Maxaas iyo Boqolaal dadweyne ah ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda lacagta lagu gudeensiinayay labada askari ee katirsan ciidanka xooga dalka somaliyeed oo maalintii shalay howlgal qorsheeysan ay kuqaarijiyeen laba xubnood katirsan Alshabaab.

Howlgalkaan shalay lagu soo dilay xubnaha Shabaab-ka ah ayaa imaanaya iyadoo dhawaan uu guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte uu balan qaaday in qofkii soo dila dagaalame ama sarkaal Shabaab ah uu siinayo lacag u dhaxeysa $5 kun ilaa $25 kun oo dollar, taasoo uu maanta ka dhabeeyay.