Cali Xarbi Cali oo lagu soo oogay dacwad la xiriirta dilka xildhibaan David Amess

MUQDISHO-AYAAMAHA-Cali Xarbi Cali oo ah 25 jir Somali-British ah ayaa si rasmi ah loogu soo oogay dacwad ah inuu toorey ku dilay xildhibaan David Amess oo ka tirsanaa baarlamanka UK, waxaa sidaas maanta sheegay Adeegga Xeer-ilaalinta Boqortooyada iyo booliska UK.

Cali oo Jimcihii tagtay lagu xiray isla goobta uu dilku ka dhacay ee magaalada Leigh-on-Sea ee bariga London, ayaa sidoo kale wajahaya dacwad labaad oo ah diyaarinta ficil argagixisanimo.

Waxaa lagu waday inuu maanta kasoo hor muuqdo Maxkamad ku taalla bartamaha London.

Xildhibaan Amess, oo ahaa 69 jir dhalay shan caruur ah, ayaa la dilay isaga oo kulan la lahaa dadka soo doortay, wuxuuna noqday xildhibaankii labaad ee British ah ee la dilo shan sano gudahood.

Xildhibaan Jo Cox oo ka tirsaneyd xisbiga Labour-ka ayaa sidoo kale la dilay ayada oo la kulmeysa dadka soo doortay, ka hor aftidii Brexit ee June 2016.

Nice Price oo ah madaxda qeybta dambiyada iyo ka hor-tagga argagixisanimada ee Adeegga Xeer-ilaalinta Boqortooyada ayaa sheegay in qareenada ay gudbin doonaan in dilkii Amess “uu xiriir la lahaa aragixisanimo, gaar ahaana ay dhiiri-geliyeen arrimo diimeed iyo kuwa fikir.”

“Cali waxaa lagu soo oogay dacwad ah diyaarinta ficil argagixisanimo,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in tani ay ka dambeysay kadib caddeymo ay baaritaankooda kusoo heleen booliska.

Booliska ayaa sheegay inaysan jirin cid kale oo hadda loo baarayo ama raadinayo inay ku lug laheyd dilka xildhibaan David Amess.