Calooshood u shaqeystayaal Ruush ah oo 10 qof ku diley dalka Afrika Dhexe

MUQDISHO-AYAAMAHA-Calooshood u shaqeystayaal katirsan shirkadda Wagner, ayaa lagu eedeeyey iney ku dileen toban ruux, kuna gubeen konton guryo gaaraya magaalada Haute-Kotto ee gobolka dhaca waqooyi bari ee dalka Afrikada Dhexe, sida laga soo wariyey bogga internet-ka Corbeau News.

Barta internet-ka ayaa lagu sheegay in dhacdadani ay timid kagadaal markii ay foodda is dareen dadka deegaanka Haute-Kotto iyo calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ah, kuwaasoo dalbadey ogaanshaha goobta ay dhuumaaley sanayaan dagaal yahanada jabhadda mucaaraadka ee (CPC).

10-kii bishan June, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa is hortaagey imaanshaha lix boqol oo calooshood u shaqeystayaal Ruush ah dalkani Africa Dhexe, iyadoo walaac ka muujiyey iney jiraan xad gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Sidoo kale waxaa laga cabsi qabaa in calooshood u shaqeystayaashan ay carqaladeeyaan ciidamada nabad ilaalinta ah ee ka socda Jimciyada Quruumaha ka Dhaxeysa ee kusugan gobolka waqooyi galbeed ee dalkani.

Dhanka kale, dagaal yahanada (FACA) ayaa sidoo kale iyagana lagu eedeeyey iney ka geysteen tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha goobta lagu magacaabo Ippy, iyagoo isticmaaley qaabka shirkadda calooshood u shaqeystayaasha Ruushka oo kale ah. Xadgudubyada ay diiwaan galisay barta internt-ka Corbeau News waxaa kamid ah xiritaan aan loo meel dayin iyo dil baahsan.

Bishii March ee ina dhaaftey, Qaramada Midoobay ayaa dalbatey in lagu sameeyo baaritaan xaaladda ammaan ee sii xumaaneysa ee dalkani, iyadoo ay soo baxeen warbixino sheegaya in ay jiraan tacadiyo baahsan oo la xiriira dhanka xuquuqda aadanaha ee ka dhacaya dalkani Afrikada Dhexe.