Calooshood U Shaqeystayaashii Dilay Madaxweynihii Haiti Oo Xog Cusub Laga Helay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Koox ka soo kala jeedda Colombia, iyo Haiti oo heysta dhalashada Mareykanka oo looga shakisan yahay inay dileen madaxweynihii dalka Haiti, Jovenel Moise, ayaa baarayaasha u sheegay in qorshahooda uu ahaa inay soo xiraan madaxweynaha, balse qorshuhu uusan ahayn in ay dilaan.

Moise ayaa arroortii Arbacadii lagu dhex dilay gurigiisa oo ku yaalla magaalada Port-au-Prince, waxaana dilka fuliyay koox uu maamulka Haiti ku sheegay in ay yihiin calooshood u shaqeystayaal ajaaniib ah.

Waxay ka koobnaayeen 26 u dhalatay Colombia iyo labo u dhashay Haiti balse haysta dhalashada Mareykanka, arrintaas oo xaaladda dalkaas ee awalba xumeyd sii dhabqisay.

Weli lama oga cidda soo abaabushay dilka madaxweynaha, iyadoo dalkaasi uu codsaday in taageero caalami ah la siiyo.

Xukuumadda Washington ayaa diidday codsiga Haiti ee ah in ciidamo loo diro, inkastoo sarkaal sare oo Mareykan ah uu sheegay in Mareykanka uu koox farsamo u dirayo dalkaasi si loo qiimeeyo xaaladda.

Warbaahinnada qaar ayaa la hadlay eedeysanayaasha, waxayna sheegeen in qorshahoodu ahaa inay soo xiraan Moise oo ay u qaadaan xarunta madaxtooyada.

Labada u dhalatay Haiti ayaa sheegay in ay turjumaanno u ahaayeen kooxda Colombia u dhalatay ee wadatay ruqsadii lagu soo xiri lahaa madaxweynaha.