Caqabada hor taagan doorashada Soomaaliya oo la shaaciyey.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maxamed Xasan Cirro, gudoomiyaha gudiga doorashooyinka heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa sheegay in shaqadooda uu saameyn ku yeeshay khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jira.

Maadaama doorashadda ay ku saleysan tahay awood-qeybsi qabiil, ayuu sheegay inay aad u adkaatay in hal mar la qabto, waxuuna u sababaeeyay arintan dib u dhacyada ay la kulmeen.

Shalay ayuu gudiga FEIT warbixin ka siiyay arrimaha doorashooyinka RW Rooble oo xafiiskiisa ugu tageen, waxaana aad loo gorfeeyay qabsoomida doorashadda Aqalka Hoose, oo ah mida ugu dhibaatada badan.

Nidaamka qabiilka wax badan ayuu Soomaaliya dib u dhac u keenay inay dib cagaheeda isagu taagto 30 sano kadib, iyadoo tallaabo kasta oo la qaado ay boqol caqabadooda hor yaallaan.

Cirro ayaa sheegay inay isku dayi doonaan in 50-ka maalin ee soo socda ay ku qabtaan doorashadda 275-ta kursi ee Aqalka Hoose, iyadoo dhawaan la billaabi doono diiwaangelinta erdooyinka soo xuli doono Xildhibaanada.

Xildhibaan kasta waxaa dooranaya 101 ergo, waxayna ka dhacaysaa doorashadda 11 goobood oo Muqdisho ay ku jirto. Caqabaha jira waxaa ugu waaweyn dhaqaalaha doorashadda oo gacanta ku jirin, amniga oo sugnayn iyo khilaafka siyaasadeed ee aan wali la xalin.

Khilaafka siyaasadeed oo labo nooc – midka Farmaajo iyo Rooble u dhaxeeya iyo midka Maamullada dhexdooda, sida Gedo iyo Hiiraan ismaandhaafka ka taagan ee hanaanka doorashadda kuraasta Aqalka Hoose.

Soomaaliya waxaa la filayay inay doorasheeda Madaxweynaha dhacdo Feb. 8 sanadkan 2021, laakiin waxay dib u dhacday saddex jeer, taaso Farmaajo siisay fursad inuu kursiga kusoo fadhiyo si sharci darro ah mudo 9 bilood ah.