Caro Ka Dhalatay Wiil Soomaali Ah Oo Ay Dileen Booliska Minneapolis

MUQDISHO-AYAAMAHA-Qaar ka mid ah shacabka magaalada Minneapolis oo careysan ayaa isugu soo baxay goobta uu ka dhacay dil toogasho ah oo ay booliska magaaladaas u geysteen wiil Soomaali-Mareykan ah.

Doolaal B. Ciid, oo ahaa 28 jir ayaa Arbacadii ku dhintay rasaas ay booliska ku fureen isagoo ku dhex jira gaarigiisa, kaddib markii lagu joojiyay meel u dhow kaalin shidaal iyo meherad gawaarida lagu dhaqo.

Goobtaas ayaa wax ka yar hal meyl u jirta meeshii ay booliska Minneapolis bishii May ku dileen George Floyd, oo ahaa nin madow ah.

Dad goob joogeyaal ah iyo booliska ayaa markii hore sheegay in Doolaal uu isaga markii hore xabbad ku billaabay booliska, kuwaa oo iyagana markii dambe toogtay oo halkaa ku dilay.

Cabsida ugu weyn ee ay laamaha amniga ka qabeen isu soo baxa dadka deegaanka ayaa ahayd in arrintu ay isu baddasho dibadbaxyadii daba socday dilkii George Floyd, kuwaasoo gilgilay guud ahaan Mareykanka.

Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa booliska ka dalbaday in ay usoo bandhigaan muuqaalka kaamirada jirka ee duubtay dhacdada.

Taliska booliska magaalada ayaa shacabka u ballan qaaday in ay shaacin doonaan muuqaalka, iyagoo markii dambena sii daayay muuqaal hal daqiiqo ka yar oo laga arkayo sida ay wax u dhaceen.