Carro ka dhalatay gunno laga jaray Ilaalada iyo darawalada Xildhibaannada.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Shalay in ku dhow 100 Xildhibaan ayaa saxiixday Mooshin ay ku dalbanayaan in la kordhiyo Mushaaraadka Xildhibaannadda, waxaana caarro ka dhalatay gunnada laga jaray Ilaalada iyo darawalada Xildhibaannada ayaa i muuqata inuu mooshin ka dhalan doono.

Ilaalada iyo darawalada xildhibaanada waan si toos ah mushaaraadkoda u bixisa wasaaradda Maaliyadda, looma raacin karo gunadda xildhabaanka. xiligaan hada lajoogo xildhibaan walba waxaa la siiyaa $1,100 oo ka dheeri ah gunadiisa caadiga ah, halka $3000 uu u qaato gunadiisa caadiga ah.

Sababta sidaan loo samyay ayaa ah in xildhibaanada u baahanyihiin ilaalo iyo darwalo ka caawiya amaankooda iyo howlahoda shaqo, si kastaba ha noqotee gunada dheeriga ah ayaa waxaa toos logu shubaa akoonka xildhibaanka, taaso oo lagu talagalay in mushaar ahaan loo siiyo ilaalada iyo darawalka. balse lacgtaan sida dadban loo bixinayo ayaa Qatar wayn ku ah nidaamka isla-xisaabtanka iyo hufnaanta Maaliayadda. Hawlgalka waxaa lagu wargeliyay in waqtiga suurtagalka ah ee lagu beddeli karo gunnooyinka dheeraadka ah ee lacagaha tooska ah aan weli la dejin heerkooga.