Carruurta Ku Nool Gobolka Tigray Ee Dalka Ethiopia oo Soo Wajahday Nafaqo Darro Ba’an

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wararka ka imanaya dalka Ethiopia gaar ahaan gobolka Tigray ayaa sheegaya in carruurta ku nool gobolkaas ay soo wajahday nafaqo darro kadib go’odoomin ay ciidamada dowlada daacada u ah ku hayaan gobolka Tigray.

Todobaadkan hawl-wadeennada caafimaadka ee Cisbitaalka Caydar ayaa soo bandhigay warbixin hay’adaha caalamiga ah ee gargaarka ka codsanaya in la caawiyo.

“Hadda lix bilood ayaa laga joogaa markii wax sahay ahi halkan uga yimi Addis Ababa [caasimadda federaalka],” dhakhtar ka tirsan cusbitaalka ayaa sheegay.

“Waxaan ku dhawaaday inaan dhameyno wixii aan haysanay tan iyo markii sahaydeenii ugu dambeysay ay timid bishii Juun. Wax walba way naga dhammaanayaan,” ayuu raaciyay.

Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in in ka badan 40% carruurta ay da’doodu ka yar tahay shanta sano ee yimaadda cusbitaalka ay hayso nafaqo-darro – laba jibaar heerka 2019-ka.

Warbixintooda waxay dhakhaatiirtu ku eedeeyeen xannibaado lix bilood ah oo ay sameeyeen ciidamada federaalka iyo xulafadooda inay sabab u tahay dawo yarida ba’an iyo qalab la’aanta taasoo ay sheegeen inay horseedayso dhimasho laga baaqsan karo.

Hase yeeshee, afhayeenka dawladda Legesse Tulu ayaa sheegay in warbixintu ay u muuqatay in ay rabtay in ay sheeko u dhisto TPLF oo ay iska daydo” sheegashada go’doominta Tigrayga.

“Dhinaca dawladda, ma jirto cunaqabatayn ula kac ah oo Tigray ah oo dadkeena wax u dhimaysa,” ayuu yiri afhayeenka.
Laakin tan iyo markii uu dagaalku bilaawday hay’adaha gargaarka waxay ka cabanayeen in aysan awoodin in gargaar badan la geeyo Tigrayga.

Sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay ee xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada (Ocha) 30kii Diseembar, kolonyada gargaarka ma aysan gaarin Tigrayga tan iyo bartamihii Disembar sababtoo ah dib u dhacyo xafiiseed iyo amni darro.

Hay’adda Cunnada Adduunka ayaa ku qiyaastay in 100 baabuur oo sida gargaar ay u baahan yihiin in ay gaaraan Tigray toddobaad kasta si ay u daboolaan baahida in ka badan shan milyan oo qof balse sida laga soo xigtay Ocha kaliya 12% sahaydii loo baahnaa ayaa gobolka soo gaaray.