CC Shakuur oo loo ogolaaday kursiga xildhibaan balse hal caqabad oo culus wajahaya

DHUUSAMAREEB-AYAAMAHA- Arbacadii waxaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Cabdiraxmaan oo shan sano ku kharash gareeyey mucaaradnimada Farmaajo, ayaa hadda u tartamaya kursiga Hop138 ee golaha shacabka.

Masuuliyiin heer federaal ah, maamulka magaalada Dhuusamareeb, wasiirro ka tirsan Galmudug iyo dadweyne badan ayaa Cabdiraxmaan ku soo dhaweeyey deegaan doorashadiisa.

Qoraal uu boggiisa Facebook-ga ku daabacay waxuu ku sheegay in Dhuusamreeb uu u tegay inuu tartamo mid ka mid ah kuraasta golaha shacabka, isagoo rajeeyey in doorashada kursigaas ay noqoto mid hufan.

Dad badan waxay is weydiinayaan Cabdiraxmaan kursi maka soo heli doonaa Dhuusamareeb? Hadii Cabdiraxmaan uu soo waayo kursiga beeshiisa ee golaha shacabka, waxay caqabad weyn ku noqon doontaa damaciisa Villa Somalia iyo halgankii waqtiga dheeraa ee siyaasadda.

Inkastoo waxa hadda dalka ka socda aan doorasho lagu qeexi karin, hadana inaad kasoo dhex-baxdo mashruucaan doorashada shabaha ama aad ku dhacdo, waxay labadaas dadweynuhu u qaadan karaan qiimeyn toos ah.