CC Sharma’arke, Gaas iyo Faroole oo Gaaray Garoowe iyo Deni oo la Ganaaxayo….

GAROOWE-AYAAMAHA-Madaxweynayaashii hore ee maamulka Puntland, Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdiweli Gaas oo uu wehliyo ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke ayaa maanta gaaray Garoowe.

Mas’uuliyiintan oo ay wehliyaan xildhibaano iyo odayaal dhaqameedyo ayaa gaaray saacada ka hor Magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Ujeedka safarka madaxdan ayaa la xiriira sida ay qeyb uga noqon lahaayeen dadaallada nabadeed ee lagu doonayo in lagu soo afjaro xiisadda Colaad ee ka taagan Magaalada Boosaaso.

Faroole, Gaas iyo Sharmaa’arke ayaa wada-hadallo ka dhex bilaabi doono Maamulka Puntland & Ciidamada PSF, waxayna sidoo kale la kulmi doonaa Ismida dhaqanka ee haatan ku howlan sidii wax looga qaban lahaa muranka ka dhashay xil ka qaadistii agaasimaha PSF.