CC Warsame oo markii ugu horreysay ka hadlay sharci ahaanshaha xilka loo magacaabay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo 24-kii bishii la soo dhaafay madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay Ergayga gaarka ah ee arrimaha abaaraha Soomaaliya ayaa magacaabistiisa kadib bilaabatay doodo la xariiray sharci ahaanshaha Xildhibaanimadiisa.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in Xildhibaannimada micnaheedu tahay in loo adeego dadka sida hay’adda Xeer dejinta ee Baarlamaanka, la xisaabtanka Xukuumadda metalaadda Shacabka Soomaaliyeed.

“Xil aan qabtay ayaanba jirin, Xildhibaanka muhiimaddiisa oo dhan waa in uu dadka u shaqeeyo, xil waxaan u aqaannaa qofka marka la magacaabo, hay’ad uu u shaqo tago inay jirto. Markii loo baahday in la helo qof miisaan leh oo codkaan qaadi kara ayuu madaxweynuhu i yiri Cabdiraxmanow howshaan ila qabo, sidaas ayaana keentay in aan aniga la qabto, wuuna ku mahadsan yahay inuu igu ixtiraamay in aan ahay qof u qalma xilkaan bulshada Soomaaliyeed loogu adeegayo. Haddii ay u baahatana xildhibaannimada in aan uga tago si aan shaqadan u fuliyo diyaar ayaan u ahay” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Wuxuu intaasi ku daray Cabdiraxmaan Cabdishakuur inuu si tabarucaad ah uu uga shaqeynayo u gurmashada dadka Soomaaliyeed oo ay abaartu ku saameysay gobollada dalka taasina ay tahay waajib ka saaran, xilkaasna uu lamid yahay kuwa guddiga Baarlamaanka iska dhex magacaabaan.

Magacaabista Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ee loogu magacaabay Ergayga gaarka ah ee arrimaha abaaraha Soomaaliya ayaa kusoo beegantay xili gudaha dalka Soomaaliya ay ka jirto xaalad bani’aadanimo oo mareyaa heerkii ugu sareysay.