Ciidamada Amniga oo habeenkii labaad howlgallo ka sameeyay Magaalada Muqdisho

howlgal lagu sugayo Amniga Caasimadda.
howlgal lagu sugayo Amniga Caasimadda.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Habeenkii labaad oo xiriir ah ayaa Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir waxaa ay howlgallo kala duwan oo amniga lagu xaqiijinayay ka sameeyeen xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho.

Xaafadaha iyo Isgousyada muhiimka ah ee dhexmara degmooyinka Xamar Jajab, Waaberi, Hodan iyo Howlwadaag ayaa ciidamada xalay waxaa ay ka sameeyeen howlgallo waxaana howlgalka lagu qabqabtay dad u badan dhalinyaro.

Saraakiisha Ciidamada howlgalka hoggaamineysay ayaa dhalinyarada la qabtay osugu keenay goob fagaaro ah, iyaga oo u jeediyay hadalo dardaaran ah kana codsaday inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida Amniga Caasimadda.

Ciidamada Booliska ayaa galayay Guryaha qaar si baaritaan ugubsameeyaan, waxaana sidoo kale Ciidamadu ay gudaha Xaafadaha ka baadi goobayeen dhalinta isticmaasha waxyaabaha Maanka dooriya iyo kooxaha Burcadda ah ee dhaca u geeysanaya Shacabka.

Waa habeenkii labaad oo xiriir ah oo Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ay howlgallo amni xaqiijin ah ka sameeyaan qaar kamid ah degmooyinka Magaalada Muqdisho kadib cabasho ka timid Shacabka oo la xiriirta Kooxo burcad ah oo dhac geeysanaya.