Ciidamada DANAB oo burburiyay fariisimo ay leeyihiin Al-Shabaab

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidanka Kumaandooska Gor-gor ee Xoogga dalka, ayaa howlgal qorsheysan ku burburiyey fariisimo kooxda Al-Shabaab ay ku lahayeen degaano hoostaga degmadda Aw-dheegle ee gobolka Sh.Hoose.

Howlgalkaan ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha guutada 17-aad ee Kumaandooska Gor-gor Gaashaanle Dhexe Dayax Cabdi Cabdulle, iyadoo lagu duulayay xuuraan laga helay dadka deegaanka.

Ciidanka Kumaadooska Gor-gor, ayaa waxa ay howlgalka ka sameeyay degaanada kala ah Shaam-gare,tawakal iyo nuucaanaay oo hoostaga dhammaantood degmadda Aw-dheegle ee gobolka Sh/hoose.