Ciidamada DANAB Saameyn Maku Yeelan Doonan Bixitaanka Mareykanka Soomaaliya?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warar cusub oo ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa lagu sheegay in askartooda ka baxaya Soomaaliya ay ku sii sugnaan doonaan qaaradda.

Warbixin uu qoray wargeyska Amytimes wuxuu ku soo xigtay Taliyaha AFRICOM, Stephen Townsend, oo sheegay in ciidamada Mareykanka ay tagi doonaa Jabuuti ama Manda Bay ee Kenya.

Ciidamo kooban oo Mareykan ah ayaa Soomaaliya ku sii sugnaan doono, sida uu sheegay Afhayeenka ciidamada Cirka Col. Chris Karns. Wuxuu ka gaabsaday faafaahinta goobta iyo tirada ciidamadaas, sida uu qoray wargeyskaas.

Si ka duwan ciidamada kale ee militariga Dowladda Federaalka, gaar ahaan kumaandooska Gorogor, Danab waxay howshoodu tahay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana mar walba la arkaa iyagoo hawlgalo ka fulinaya goobaha ay ku sugan yihiin dagaalamayaasha ururka xiriirka la leh Al-Qaacida ee Soomaaliya ku sugan.

Ujeedada ciidanka ayaa ah burburinta xarumaha ururka Al Shabaab ee tababarka ay ku qaataan. Waxaa u dheer tababar gaar ah oo ay ka mid tahay in diyaaradaha laga boodo; in jid gooyooyin ay dhigan karaan; iyo in ay fullin karaan hawlgal qorsheysan.

Inta badan ma ahan ciidan hal meel loogu yimaado marka laga soo tago halka ay saldhigyada ku leeyihiin, waana ciidan guur-guura, weerarna qaada.

Tirada guud ee ciidamada Danab ee Mareykanka uu u tababaray Soomaaliya ayaa lagu qiyaasaa in ay gaarayso 800 oo askari.

Ciidamada kale ee aan Danab ahayn ayuu Janaraal Bariise sheegay inay wanaagsan tahay in siyaasadooda tababarka lagu daro tababar gaar ah oo lamid ah kan ay qaataan ciidanka Danab.

Ciidamadan waa kuwo si dhaw ula shaqeeya ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya, waxayna sidoo kale ka qeyb qaataan weerarrda qorsheysan ee loo adeegsado diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo duqeymaha Mareykanka uu ka fulliyo gudaha Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa horay u sheegtay in tababarka ciidanka Danab ay sii wadi doonto ilaa iyo shan sano oo dambe.

Ciidamadan ayey khubarada qaar aaminsan yihiin in markii hore ujeeddo kale loo sameeyay.