Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo howlgal wadajir ah sameeye

SHABEELAHA HOOSE-AYAAMAHA-Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed iyo Kuwa howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa howlgal ballaaran ka sameeyeen Deegaanka Galweyn iyo degaannada kale ee hoostaga Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Degaanada ay howlgalka Ciidamada Wadajir ah ka sameeyeen ayaa waxaa kamid ah, gaadi yareey, gaadi weeyneey, dalbuufle, gablan, iyo foornaale buultuni & degaano kale.
Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminayay Gaashaanle Cabdi carab wuxuuna sheegay ayaa sheegay in marnaba istaajineynin sida horeyba u balan qaadeen amniga Deegaanka Galweyn iyo tuulooyinka hoos yimaada in amnigooda la adkeeyo.

Guddoomiyaha Deegaanka Galwayn Maaday Sheekh Cusmaan islaaw ayaa gaashaan laha ku booriyay dardar gelinta howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee amniga lagu xaqiijinaya.

Degaanka Golweyn oo hoostaga Magaalada Marka ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca qaraxyo iyo weeraro toos ah oo lala beegsado Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.