Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug oo Al-shabaab kala wareegay degmada Bacaadweyn

DHUUSAMAREEB-AYAAMAHA-Wararka ka imaanayaa gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedka Galmudug ay dib ula wareegeen degmada Bacaadweyn, kaddib markii ay ka baxeen maleeshiyada Al-shabaab oo hore u joogay degmadaas.

Ciidmada dowladda oo kaashanaya kuwa Galmudug iyo shacabka deegaanka ay labadii maalmood ee la soo dhaafay qorsheynayeen wareer ka dhan ah maleeshiyada Al-shabaab, taasina ay keentay in Al-shabaab ka baxdo degmada Bacaadweyn.

Ilo wareedyo muhiim ah oo aan la hadalnay ayaa inoo sheegay in ciidmada dowladda iyo Galmudug ay qorsheynayaan howlgallo Al-shabaab looga xoreynayo magaalooyinka Camaara iyo Caad ee isla gobolka Mudug.

Wasiirka amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray in Al-shabaab laga qabsaday degmada Bacaadweyn iyo tuulooyinka Qaycad iyo Sabeeno Gawrac.

Al-shabaab ayaa todobaadkii hore weerar ku soo qaaday magaalada Wisil ee isla gobolka Mudug, halkaas oo ku dhinteen ku dhawaad 30 qof, kaddib dagaal dhexmaray iyaga iyo ciidmada Daraawiishta Galmudug.

Degmada Bacaadweyn ayay bishii April la wareegtay maleeshiyada Al-shabaab, kaddib markii ay ka baseen ciidmada militariiga dowladda Soomaaliya.