Ciidamada Dowladda iyo kuwa HirShabelle oo la wareegay deegaanno horleh

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Ciidamada Xoogga dalka oo garab ka helaya kuwa maamullada HirShabelle iyo Galmudug ayaa laga soo waramayaa in ay la wareegeen deegaanno horleh oo ku yaalla gobolkaasi, isla-markaana ay horey ugu sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab.

Goobaha ay la wareegeen waxaa kamid ah:- Beer-Gidiid, Bacda, Jilacle, Hees iyo Madhoy oo dhammaan ka tirsan gobolka Hiiraan, sida uu shaaca ka qaaday Bashiir Cabdiraxman Sheekeeye oo ah guddoomiyaha Matabaan.

Howlgalladaan ayaa waxaa horkacayey guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Mudane Cali Jayte Cismaan, waxaana ku wehlinayey guddoomiyeyaasha maamullada Matabaan iyo Maxaas, maadaama dhaq-dhaqaaqyada si gaar ah looga sameeyey labadaasi degmo.

“Deegaannada Cadawga laga xorreeyay waxaa kamid ah Bacda, Beer-Gidiid, Jilacle, Madhoy, Hees & Deegaanno kale, Howlgalka waxaa iska kaashaday Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle iyo Galmudug,” ayuu yiri guddoomiyaha Matabaan.

Sidoo kale wuxuu baaaq u diray hay’adaha samafallka oo uu ka dalbaday inay gurmad deg-deg ah la gaaraan dadka ay abaaraha saameeyeen ee ku dhaqan deegaannada la xoreeyey.

“Hay’adaha Samafalka waxa aan ugu baaqeynaa in ay gargaar siiyaan Dadka Abaartu saameysay, waxa ay u baahan yihiin cunto, biyo iyo waxyaabaha aasaaska u ah dhanka Nolosha” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey guddoomiye Bashiir C/raxmaan Sheekeeye.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan ayaa maalmahaan waday howlgalo ka dhan ah Al-shabaab oo looga saarayo deegaanada maamulkaas kadib markii Al-shabaab gudaha u galeen dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.