Ciidamada dowladda oo Al-Shabaab kala wareegay degaano hoos-yimaada degmada Balcad

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamo katirsan Milateriga Soomaaliya ayaa arroortii hore ee maanta AS kala wareegay degaano hoos-yimaada degmada Balcad ee gobalka Sh/ Dhexe, kadib muddo sanado ah oo ay halkaas ku sugnaayeen AS.

Degaanada AS laga qabsaday ayaa kala ah Yaaqle, Mukadheere, dhabacoow, Kooraabe, Shanloow iyo Farbaraki, waxaana ciidanka dhulkaas qabsaday hogaaminaya Xildhibaan Cusmaan Xaadoole oo katirsan Golaha Shacabka ee BFS.

Sidoo kale mas’uuliyiin katirsan maamulka gobalka Banaadir ayaa howlgalkaan qeyb ka ah, sida, Guddoomiye Abshir Kaaraan, Guddoomiye Maxamed Deeq Geedow iyo saraakiil kale. AS ayaa laga saaray badi deegaanadii ay ka joogeen degmada Balcad kadib dhowr jiho oo laga weeraray kooxdaas.

Howlgalka ka bilowday Shabeellaha dhexe ee ay horkacayaan Beesha Abgaal ayaa ah mid aad loo sugaayey imbadan, kaas oo beesha ay in muddo wadeen diyaar garow.