Ciidamada Dowladda oo dagaal kula wareegay deegaan hoostaga magaalada Dhuusamareeb

DHUUSAMAREEB-AYAAMAHA-Ciidanka Xoogga dalka iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa waaberigii hore ee saakay ku dagaalamay deegaan lagu magacaabo Orshe oo dhinaca Bari 50-KM ka xira Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Dadka deegaanka ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay.

Saraakiil ka tirsan qeybta 21-aad ee ciidamada Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in dagaalkaasi ay khasaare ku gaarsiiyeen Al-Shabaab.

Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay inay dagaal kadib la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Orshe oo hoostaga magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa tilmaamay in Shabaabka ay ka furteen hub ay wateen, isla markaana haatan ay ku sugan yihiin deegaanka Orshe oo 50 KM u jira Magaalada Dhuusamareeb, iyagoona halkaas ka wada howlgal lagu xaqiijinayo amniga.

Si kastaba Ciidanka Xoogga dalka ayaa dhowr jeer oo horey sidaan oo kale Al-shabaab ugala wareegay deegaano ay uga sugnaayeen Gobolka Galgaduud, kadib dagaalo geystay khasaaro oo dhinacyada dhexmaray.