Ciidamada dowladda oo degaano kala wareegay Al-Shabaab

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidanka Xoogga Dalka Gaar ahaan Ururada 83-aad iyo 84-aad, guutada 14-October ee Xoogga dalka iyo kuwa ATMIS qeybtooda Janaale ayaa howlgalo culus waxa ka ay ka sameeyeen uulooyinka Cabananey, Beeraha baay, Siigaale, Malable iyo Buulo aruundi oo dhamaantood hoostaga Deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose ka Sameeyeen.

Ciidamada waxaa ay jab Xooggan Gaarsiiyeen xunbo ka tirsan Dagaalamayaasha Al-Shabaab sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Ciidamada Dowladda.

Taliyaha Ururka 84-aad, Guutada 14-October L/Xidigle Cali Mahdi Beerdiide oo Howlgalka Hogaaminayay waxaa uu warbaahinta  uxaqiijiyay howlgalka intuu socday inay ku Guuleysteen soo saarista Miinooyin ay Al-Shabaab ku Aaseen waddo isku xirta Deegaanada Buufow Bacaad iyo Janaale.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Ciidamada ay khasaaro xooggan gaarsiiyeen Xubnihii katirsanaa Al-Shabaab ee ku sugnaa  tuulooyinka ay howlgalka ka sameeyeen, Isla markaana ay gubeen doon ay Al-Shabaab u adeegsan-jirtay dhibaateynta shacabka labada dhinac ee wabiga kala daggan oo ay uga kala gudbi jireen.

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa uu kamid yahay Gobolada ay inta badan Ciidamada dowladda ay howlgallada ka sameeyaan, hayeeshee waxaa sidoo kale ka dhaca weeraro ay geystaan Ururka Al-Shabaab.