Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay degaanka Yasooman

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Ciidanka xoogga dalka iyo xoogagga xoreynta gobolka Hiiraan ayaa Maanta si buuxda dib ula wareegay gacan ku haynta deegaanka Yasooman ee bariga gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Degaanka Yasooman ayaa ka mid ah goobihii dhawaan ciidanku uu ka soo baxay, taas oo saraakiishuna ay ku sheegeen xeelad dagaal, hayeeshee ugu dambeyn ay Maanta markale dib ula wareegeen.

Howlgalka lagula wareegay degaanka Yasoomaan ayaa waxaa qeyb ka ahaa Ciidamo katirsan xoogga dalka oo kayimid dhinaca gobolka Galgaduud iyo Diyaarado dagaal, waxaana taasi ay keentay inay Al-Shabaab deg deg uga baxaan degaanka.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo Saraakiisha Ciidamada oo howlgalka hoggaaminaya ayaa goob fagaaro ah kula hadlay dadka degaanka Yasoomaan, waxana ay u sheegeen in dib dambe aysan ciidamada uga bixi doonin degaanka, balse looga baahan yahay inay la Shaqeyaan.

Ciidanka xoogga dalka iyo xoogagga xoreynta gobolka Hiiraan ayaa howlgal miino saar ah ka wada gudaha tuulada, waxaanawararka la helayo ay sheegayaan in Ciidamada huwanta ah ay ku wajahan yihiin degaanka Moqori si looga saaro Al-Shabaab.